Laba Xildhibaan oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Galgaduud

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo laba qof oo kale ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, oo muddo dheer ay maleeshiyada Al Shabaab ka arriminayeen. Ceelgaras ayaa ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Labada qof ee kale ee qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Dhuusamareeb, oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan deegaankaasi, oo muhiim u ahaa joogitaanka Al Shabaab ee Magaalada Ceelbuur.

Shabaabka ayaa Ceelgaras ku lahaa difaacooda bari ee Ceelbuur. Qabsashada ciidamada ee Ceelgaras ayaa kala jareysa gurmadkii Shabaabka Ceelbuur iyo Xiindheere.

Ciidamada ayaa hawlgalo sifeyn ah ka wada waddada dheer ee xiririisa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle), waxaana hawlgalka ku wehlinaya masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug.