Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo dhagax dhigay dhismaha Dekedda Baraawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Dekedda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Degmada Baraawe, halka Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu isna maanta gaaray degmadaasi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay socdaalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo muhiimadda ay leedahay dhismaha Dekedda Baraawe ayaa yiri "Meel aad lagaaga jecelyahaa timid, aadna waan kugu faraxsanahay, deegaankaga ku soo dhawoow, waxaana jecelnahay in marar badan aad soo noqnoqon doontid, maadaama ay tahay Caasimaddii Koonfur Galbeed, xarumihii dowladda oo dhana aan ka diyaarinayno, sidii ay Koonfur Galbeed ugu hawlgali laheyd."

Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan rabnaa inaan Baraawe ka hirgelino deked weyn oo ganacsi caalami ah, oo Somaliya ma ahanee dowladaha deriska xitaa looga adeego."

Madaxweyne Laftagareen ayaa dadka reer Baraawe ugu hambalyeeyay inay heleen shirkad maalgashi ku sameysa dekeddaasi, taa oo bixineysa kharashaadka ku baxaya dhismaha iyo dib u hawlgalinta Dekedda Baraawe, isagoona ganacsatada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay saami ku darsadaan amaba ku yeeshaan howlaha dhismaha ee dekeddaasi.

Laftagareen ma sheegin dalka laga leeyahay shirkadda dhiseysa dekeddaasi, balse waxaa la fahamsan yahay in Dowladda Emirate-ka Carabta ay muddaba xiiseynaysay inay maalgashi ku sameysato dekeddaasi. 

Dekedda Baraawe ayaan shaqeynaynin muddo sanado ah, haddiise dib loo hawlgaliyo waxay il dhaqaale u noqon doontaa Koonfur Galbeed iyo dadkeeda.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo maamulku uu xilligan si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.