Laftagareen oo abaabul ciidan ka wada Baydhabo, xilli xiisadda ay sii kordheyso

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Baydhabo ka wada abaabul xoog leh oo ciidamada loogu jiheynayo in laga hortago Militariga Dowladda Federaalka ee ku soo wajahan magaaladaasi.
Madaxweynaha oo maanta kormeeray Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Baay ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, isagoona amray in loo diyaargaroobo is difaacid.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo Axaddan shir jaraa'id ku qabtay magaalada ayaa sheegay in duulaan lagu yahay jiritaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana uu dadka reer Koonfur Galbeed ugu baaqay midnimo.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Koonfur Galbeed ay deegaanka Burjeed geeyeen ciidan xoojin ah, halkaas oo ay ku soo wajahan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib la wareegitaankoodii deegaanka Deynuunaay.
Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqdo inuu qaatay go'aan adag, oo ah in lala dagaalamo ciidamada loo soo diray Baydhabo, ka dib markii ay guuldareysteen dadaalo uu ku doonayay in la wada hadlo, ka dib doorashadii shalay ka dhacday magaaladaasi ee isagana dib loogu soo doortay.
Dowladda Federaalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadaasi, iyadoona adkeysay in dalka uu aadayo doorasho toos ah.
Ciidamada ku soo wajahan Baydhabo ayaa wuxuu ujeedkoodu yahay in ay la wareegaan Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo, taasina waa waxa uu hadda arko Laftagareen, diyaargarowguna uu u wado.
Laftagareen ayaa la aaminsan yahay in uu haysto ku dhawaad kun askari oo Daraawiishta Koonfur Galbeed ah, lamana oga illaa iyo inta ay caabin karaan ciidamada ku soo wajahan magaalada oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaarado dagaal.
Hase yeeshee dagaal ka dhex qarxa ciidamadii shalay isku safka ka dagaalamayay ayaa waxay keeni kartaa in dhiig badan uu daato iyo weliba dib-u-dhac siyaasadeed.
Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa galaangal ugu jira, sidii loo kala furfuri lahaa ciidamada u daacadda ah Madaxweyne Laftagareen.
Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray "Ciidamada Daraawiishta KGS ee Baydhabo ku sugan ee aan dagaalamin, waxay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, yeysan kala cararin cid dembi gaar ah u heysato ma jirto. Ha la xiriiraan saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka."
Wasiirka Diinta & Awqaafta, Mukhtaar Roobow Cali ayaa door weyn ka qaadanaya qorshaha lagu kala daadinayo ciidamada, iyadoo laga hortagayo dhiig badan oo daata.
Khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo bishanba soo jiitamayay ayaa ku dambayn kara iska horimaad hubeysan, haddii aanay dhinacyadu garowsan khatarta uu horseedi karo dagaalka miiska saaran.


