Laftagareen oo magacaabay Hanti Dhowraha Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maxamed Cumar Axmed u magacaabay inuu noqdo Hanti Dhowraha Guud ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne ku sheegay inuu ku qancay aqoonta iyo waaya-aragnimada ee ninkaasi, isla-markaana uu garowsaday in jegadaasi uu ku habboon yahay.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), isagoona mid kale magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Maxamed Ibraahim Barre u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Ibraahim oo nin dhallinyaro ah ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, xilligii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magacaabidda Maxamed Ibraahim ayaa imaanaysa, xilli Koonfur Galbeed ay isku diyaarineyso wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.