Lix Xildhibaan oo kale oo laga joojiyay inay ka qaybgalaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka

Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray go'aan lix Xildhibaan oo hor leh looga joojinayo inay ka qaybgalaan fadhiyada wadajirka ah ee Labada Aqal iyo kulamada kale ee Golaha Shacabka, ka dib buuqii iyo fowdadii Sabtidii hareeyay kulankii ay Mudaneyaasha Labada Aqal ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanadan ku eedeeyay inay isku dayeen fal ay ku carqaladeynayaan kulankii wadajirka ee ay Xildhibaanadu yeesheen, taasna ay ka Gudoomiye ahaan ku khasabtay in uu go'aankan qaato, si waafaqsan sharciga amaba Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.
Gudoomiye Abshirow ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in Xildhibaanadan uu ka joojiyay ka qaybgalka 12 kulan, oo ah fadhiyada wadajirka ah ee Labada Aqal iyo fadhiyada kale ee Golaha Shacabka.
Lixda Xildhibaan ee kulamada laga joojiyay ayaa kala ah:-
1: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
2: Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare)
3: Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox)
4: Xildhibaan Saciid Daahir Ismaaciil
5: Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
6: Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.
Xanibaadda la saaray Xildhibaanadan ayaa ka bilaabaneysa Isniinta berrito ah, oo la filayo in Xildhibaanada ay kulan kale oo wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa.
"Taliska Amniga ee Golaha Shacabka, waxaa la farayaa in uu dhaqangeliyo go'aankan, si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS." Ayaa lagu yiri warqadda uu Gudoomiye Abshirow soo saaray.
1-dii bishan ayay ahayd, markii 18 Xildhibaan min 12 kulan laga joojiyay fadhiyada guud ee Labada Gole iyo kan kale ee Golaha Shacabka.
Xildhibaanadan la beegsanayo ayaa si weyn uga soo horjeeda wax bedel ay Dowladda Federaalka riixeyso in lagu sameeyo shan ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG.


