Loolan siyaasadeed oo ka bilowday Magaalada Laascaanood

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Sabtidii la doortay ayaa maanta kormeeray Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay la socdaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Amran Xasan Axmed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Cabirisaaq Jaamac Warsame ayaa si wadajir ah u kormeeray xarunta ay ku shaqayn doonaan.

"Shir Guddoonka Golaha Wakiilada waxaa ku soo dhaweeyay xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Dowladda Waqooyi Bari Somaliya, Mr Cabdullaahi Cabdi Maxamed." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ka kooban 83 xubnood ayaa shalay doortay guddoonkooda.

Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay soo doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee maamulkaasi.

Dhanka kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa si dhakhsa ah u bilaabi doona in araajida laga qabto musharaxinta dooneysa in ay u tartamayaan jegooyinka muhiimka ah ee harsan.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lagu soo kala jiidanayo Xildhibaanada wax dooraneysa.

Waxaa jira musharaxiin muuqata iyo kuwo aan muuqan oo u xusul-duubaya jegada Madaxweynaha iyo midda Madaxweyne Kuxigeenka.

Musharaxiinta loo saadaalinayo in loo dooran doono jegada Madaxweynaha ayaa waxaa ugu cadcad Hoggaamiyihii SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay taageerayaan Musharax Madaxweyne Firdhiye.

Firdhiye ayaa billihii u dambeeyay xiriir dhow la sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, waana sababta ay Villa Somalia uga gacan siineyso doorashadan.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya ayaa sheegaya in Firdhiye ay u badan tahay in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda, haddii aysan waxba iska bedelin halka ay mowjaddu u socoto.

Musharaxa labaad ee muuqdo ee tartankan u taagan ayaa waxaa ah Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood ay si dadban u taageerayaan Musharax Madaxweyne Jamaal Maxamed Xasan.

Jamaal Maxamed Xasan oo sidoo kale soo noqday Safiirka Somaliya ee dalka Kenya ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada Gobolka Sanaag ku metela Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, isagoo weydiisanaya inay ku taageeraan damaciisa ah in uu qabto hoggaanka maamulka.

Musharax Jamaal Maxamed Xasan ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Laascaanood ku qaabilay Guddoonka Baarlamaanka, oo uu ugu hambalyeeyay doorashada ay ku guuleysteen.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Jamaal Maxamed Xasan uu Guddoonka Baarlamaanka kala hadlay in aan tartanka looga reebi karin saami qaybsiga xagga beelaha, maadaama ay isku beel yihiin gabadha loo doortay Gudoomiye Kixigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Amran Xasan Axmed.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in beel-na aysan xaq u lahayn in ay laba xil oo A ah ka hesho Madaxtooyada iyo Shir Guddoonka Golaha Wakiilada, marka loo eego hannaanka awood qaybsiga beelaha.

Tani ayaa waxaa la leeyahay waxay caqabad ku noqon kartaa Jamaal Maxamed Xasan, haddii aysan Guddoonka Baarlamaanka indhaha ka laaban, si uu uga qaybgalo tartanka doorashada.

Marka aad milicsato wacyiga beelaha ee sida awoodda loo kala qaybsanayo ayaa dhibaato ku noqon karta Jamaal Maxamed Xasan, xitaa haddii aanba laga hor istaagin ka qaybgalkiisa doorashada.

Kulamada lagu raadinayo codka Xildhibaanada ayaa kordhi doona saacadaha ugu dambeeya ee doorashada.

Xildhibaanada ayaa u madaxbannaan cidda ay codkooda siinayaan, marka aad eegto in qaab qarsoodi ah ay wax ku soo dooran doonaan, taasna waa tan rajada badan gelineysa Jamaal Maxamed Xasan, si uu u jebiyo xadeynta ku aaddan in dadka isku heybta ahi aanay xilalka ugu sarreya ka qaban karin maamulada.

Xildhibaan walba ayaa si aan la arkayn warqadda uu ku codeynayo ugu soo qori doona magaca musharaxa uu doonayo inuu codkiisa siiyo.