Maamulka Degmada Maxaas oo ka hadlay dagaalka ka dhacay degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmadaasi, ee u dhaxeeyay Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka.

Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in dagaalku uu si kedis ah uga bilowday magaalada, ka dib markii askari ka tirsan Ciidamada Militariga uu dilay nin ka tirsanaa Macawiisleyda.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro, ayna u suurtagashay in labada dhinac ay caawa fiidkii kala dhex galaan.

"Dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, wixii dhintayna Allaha u naxariisto, waxa dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Arrintaasi waxay ahayd wax lama filaan ah, nin shacab ah oo dadka deegaanka ah ayaa waxaa dilay nin askari ah oo Ciidamada Dowladda ka tirsan, dabadeedna sida la ii sheegay meeshii xabadaa ka bilaabatay, niman Macawiisley ah oo meesha joogay iyo Ciidamadii Dowladda ayuu dabaal ka dhex bilowday, dadna waa dhintay, dadna waa dhaawacmay, xabadii oo socoto ayaan soo kala dhex galnay, xaaladduna hadda waa degan tahay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo VOA la hadlay, lana weydiiyay khasaaraha guud uu dagaalku gaystay ayaa sheegay inaanay haynin macluumaad ku aaddan inta uu khasaaruhu le'egyahay, dibse ay ka soo sheegi doonaan.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay baari doonaan gacan ka hadalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira.

"Faah faahin toos ah ma hayno, xabaddu waaba habeensatay ayadoo habeen ah ayay xaaladdu gaartay, wuxuna wax si kedis ah ku bilowday ayay ahaayeen ee ma ahayn duulaan u dhaxeeya laba qolo ama qabiil ama shacab iyo dowlad, wax lagu talagalayna ma ahayn." Ayuu yiri Gudoomiye Xalane.

Waxa kaloo uu yiri "Nin askari ah oo arrintiisa la baari doono ayay arrintu ka dhacday, siday hadda wax u dhaceyna hadduu Alle yiraahdo waan faah faahin doonnaa, waana baari doonnaa, maadaama meeshii dad ku dhintay, dadna ku dhaawacmay. Marka xaaladduna hadda waa degan tahay, wax dhibaato ahna ma jiraan."

Gudoomiye Xalane ayaa sheegaya inaanu isku dhacaan waxba u dhimi doonin iskaashigii labada ciidan ka lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen saddex qof, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalku waxa uu ku soo aadaya, xilli dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay Degmada Maxaas looga diyaargaroobayay gulufka dagaal ee lagu xoreynayo dhulka ay Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Dhexe.