Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Bajaajleyda oo ay ka dhex tolan tahay

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Axaddii sheegay in la joogo xilligii la dhaqangelin lahaa awaamiirtii ay horey xukuumaddu uga soo saartay gaadiidleyda mooto bajaajta.

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii bishii March soo saaray go'aamo ka kooban 5 qodob, qodobka 2aad oo kale waxa uu u qornaa "Laga bilaabo 1-da illaa 30-ka April ee 2023 waa in dhammaan la tira-koobo gaadiidka mooto bajaajta, sidoo kale waa in la midabeeyo, loona sameeyo sumad gaar ah oo ka kooban A iyo B, shaqadaasna waxaa fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir."

Tani ayaa looga gol leeyahay in qaarba ay maalin shaqeeyaan, si culeyska iyo saxmadda looga yareeyo waddooyinka Magaalada Muqdisho, bacdamaa bajaajleyda loo tirinayo in ay yihiin qaybta ugu weyn ee maanta ciriiriga ku haysa waddooyinka caasimadda.

Go'aanadan ayaa waxaa ka horyimid Guddiga Iskaashatada Mooto Bajaajta, oo sheegay inaanan laga la tashan habka fulinta ee awaamiirtaasi. Laamaha amniga ayaana xabsiga dhigay xubno ka tirsan masuuliyiinta guddigaasi, oo ay ugu horreyan Gudoomiyihii Guddiga, Gudoomiye Kuxigeenkii 1aad iyo Xoghayihii Guud ee Guddiga Iskaashatada.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Guddiga Iskaashatada Bajaajleyda, Cilmi Makaraan Guuleed ayaa sheegay in ciidamadu ay xireen 30 ka mida xubnaha guddigooda.

"Waxaa loo xiray awood sheegasho, wax kale oo hadda annaga aan kuu sheegi karno maleh. Annaga dastuurka ayaa noo ogol inaan mudaaharaadno, maadaama Maamulka Gobolka Banaadir uu diiday inuu nala fariisto, oo cabashadeena uu dhageysto, oo waxa aanu rabno uu naga dhageysto, asaguna waxa uu rabo uu noo sheego, ka bacdi xal baa la heli lahaa, laakiin ninkii hadlaba waa la xirayaa, waxna ma sheegan kartid. Dowladda iyo gaadiidleyda dadkii u dhaxeeyay ayaan nahay, oo gaadiidleyda cabashadooda dowladda u gayn lahaa, dowladdana waxay ka rabto gaadiidleyda dadkii ay u soo mari laheyd ayaanu nahay." Ayuu yiri Cilmi Makaraan Guuleed.

Waxa kaloo uu yiri "Annagu dowladda mucaarad kuma nihin, waa dowladdayadii, gobolka mucaaradka kuma nihin, laakiin asaga ayaa na quursanaya, asaga ayaa nagu ah mucaarad. Jeebkeena waxa ku jirana waa rabaa, cabashadeenana waa ka soo horjeedaa."

Cabashada ugu weyn ee ay haatan ka cabanayaan bajaajleyda ayaa ah inaanan hoos loo dhigeyn canshuurta lagu jaangooyay shan iyo tobanka maalmood ay darawaladu shaqeynayaan, maadaama inta badan waddooyinka magaalada loo xiro wufuudda imaaneysa iyo marka ay dibadda u ambabaxayaan Madaxda Dowladda Federaalka, waana xilli waddooyin badan oo kuwa magaalada ah horey loogu xiray arrimo amni, iyadoona uu Maamulka Gobolka Banaadir ka gows adeygay cabashadoodaan.

Cilmi Makaraan ayaa sheegay inaanay ayagu diidanayn in laba midab loo qaybiyo bajaajta, qolabana ay maalin shaqeyso, balse ay doonayaan in guddigu iyo maamulkuba ay ku wada hawlgalaan wax la isla ogyahay.

"Marka wax la isla ogyahay in lagu hawlgalaa annagu rabnay, laakiin way dhici weysay, waxaana yimid awood sheegasho iyo in ciidan la isku adeegsado." Ayuu yiri Cilmi Makaraan.

Makaraan ayaa intaa ku daray "Waa iska taqaanaa Gobolka Banaadir, waa Caasimaddii Somaliya, maanta waxaa soo degaya wafdi, jidka waa xiran yahay, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa dhoofaya, jidka waa xiran yahay, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhoofaya, jidka waa xiran yahay. Shan iyo tobanka maalmood oo qofku shaqeynayay toban maalmood jidkaa xiran, canshuurtiina waa shan iyo tobankeedii, ma ahan wax suurtagal ah. Qofkaanu waa qof iska danleeya, waxaana laga yaabaa inuu banki ka soo daynsaday mooto bajaajta, lacag go'an ayayna maamulku kaa rabaan, haddaanan shaqeyna lacagtii heli maysid."

Bajaajta waa gaadiidka ugu badan ee ay adeegsadaan dadka saddexda milyan ka badan ee ku nool Magaalada Muqdisho.