Maamulka Gobolka Banaadir oo adeeg caafimaad u fidinaya qoysas ku barakacay roobabkii Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay in adeeg caafimaad uu u fidiyo qoysaskii barakacayaasha, ee uu saameeyay roobkii xooganaa ee Jimcihii ka da'ay Magaalada Muqdisho.
Qoysaskan oo ka mid ah qoysaska danyarta ee degan xeryaha barakacayaasha ayaa xalay ku hoyday Xarunta Degmada Warta Nabadda, ka dib markii daadadka ay qaadeen guryihii ay deganaayeen.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda iyo Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee degmadaasi ayaa booqday xarunta ay ka socotay howlaha caafimaadka iyo gurmadka loo sameynayo dadkaasi.
Agaasimaha oo fulinaya amarka Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan, sidii adeeg caafimaad oo tayo leh ay u heli lahaayeen dadka soo barakacay ee saameynta uu ku yeeshay roobabkii ka da'ay magaalada.
Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac oo xalay qoysaskaasi ku booqday Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa faray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka in si degdeg ay ugu gurmadaan dadka u saameeyay roobku, isagoona bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dadaalada loogu gurmanayo dadkaasi.










