Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u gurasho ka sameeyay Degmada Dayniile

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dib u gurasho ka sameysay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, si dadka reer Muqdisho loogu muujiyo in la hakiyay Hawlgalkii Cagafta ee lagu burburinayay guryaha la degan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Hoose ee Xamar ay gaadiidka cagaf-cagafka ka qaadday xaafadda Warlaliska ee degmadaasi, halkaas oo habeenkii Arbacada uu iska horimaad ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Iska horimaadkan ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyadu ay hubka u qaadatay, si looga hortago hawlgalka burburinta oo ku soo fiday guryo ay dad shacab ahi degan yihiin, oo ay sheegeen inaanan la taaban karin.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lahaa gacanta weerarka oo dad ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaad fara-badan oo illaa waaberigii Khamiista gurmad ahaan u tegayay halkaasi ayaa keentay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Khamiistii ku dhawaaqo in si ku-meel-gaar ahi loo joojiyay Hawlgalka Cagafta, si loo eego qaylo dhaanta shacabka ee cirka isku shareertay, kana dhalatay in si sharci darro ahi guryahooda loo boobayo.

Dadka ku dhaqan xaafadda Warlaliska ayaa soo sheegaya in laamaha amniga ay ciidamadu ka dul qaadeen dadka deegaanka, ka dib markii la joojiyay burburintii ku dhawaad toddobaad ka hor xaafaddaasi laga bilaabay.

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa inta badan loo adeegsadaa howlaha burburinta, waxaase meelaha ay culeysyadu ka jiraan ka taageera Booliska Sida Gaarka ah u tabaran ee Haramcad, Ciidanka Hay'adda NISA iyo kuwa Polizia Militare

Tallaabada uu Maamulka Gobolka Banaadir ku hakiyay ololihii dadka lagu barakicinayay ayaa imanaya, iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay weli abaabulayaan bannaanbax ay Axadda ka dhigayaan Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa Arbacadii iclaamiyay bannaanbax lagaga soo horjeedo, waxa uu ku sheegay dhul boobka iyo barakicinta lagu sameynayo shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Shariif Shariif Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay inaanan laga aamusi karin xaaladda ka taagan caasimadda, isla-markaana uu dhul boobku gaaray meeshii ugu sarreysay, taasna ay taabaneyso sida uu sheegay damiirka qof walboo Soomaali ah.