Maamulka Gobolka Banaadir oo laba midab u kala sameeyay bajaajta Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la soo geba-gabeeyay midabeynta iyo diiwaangelinta mooto bajaajta ka shaqeysa Magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa laba sumad oo A iyo B u kala sameeyay mooto bajaajta, si qolo kastaba ay maalin u shaqeyso, tani oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo mashquulka iyo ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada.

Mooto bajaajta ku buufsan midibka jaalaha/huruudda oo ku asteysan xarafka (A) ayaa shaqada bilaabi doonta 25-ka bishan oo berri ku aaddan, halka qoloda midibka buluugga ee xarafka (B) ay shaqada bilaabi doonaan maalinta xigta oo Jimce ah.

Waxaa darawalada mooto bajaajta ku buufsan midibka buluugga ka mamnuuc ah in ay magaalada ka shaqeeyaan maalinta ay hawlgalayaan kuwa jaalaha, si la mid ah taasi waxaa darawalada bajaajleyda jaalaha ka mamnuuc ah in caasimadda ka hawlgalaan maalinta ay shaqada u leeyihiin kuwa buluugga.

Shaqadan uu qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa 30-kii bishii March u wakiishay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.