Maamulka Mandhera oo sheegay in Shabaab ay 60% ka arrimiyaan Mandhera

Gudoomiyaha Ismaamulka Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, Maxamed Aadan Khaliif ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka arrimiyaan inta badan ismaamulkiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya in Shabaabku ay gacanta ku hayaan lixdan boqolkiiba (60%) dhulka degmada xuduudda ku taala ee Mandhera.

Gudoomiyaa ayaa tilmaamay in joogitaanka Shabaabka ee degmada ay saameyn weyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray Gobolka Waqooyi Bari, isla-markaana aanu maamulkiisu oo qura awoodin in uu wax ka qabto.

Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay shir looga hadlayay amniga, lana xiriiray, sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darada ay Shabaabku ka wadaan gobolkaasi.

Masuuliyiinta ayaa ku baaqaya in loo istaago, sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxaha argagixisada.

Gudoomiyeyaasha Ismaamulada Garissa, Wajeer, Mandhera iyo Lamu ayaa sidoo kale ku taliyay in bulshada ku dhaqan deegaanada kulaala xuduudda laga wacyigeliyo inaanay taageerin Al Shabaab, si hoos loogu dhigo waxyaabaha naas nuujinta u ah falalka argagixisada ee sii kordhaya.

Gudoomiyaha Ismaamulka Wajeer, Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Jiir) ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay in ay gacan ka gaystaan, sidii wax looga qaban lahaa amniga gobolka.

Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Lamu ee Gobolka Xeebta, gabadha lagu magacaabo Ruweyda Maxamed ayaa tiri "Weerarada ka dhacaya goboladeenna keliya ma ahan kuwo khatar ku ah ciidamada ammaanka, tani waxay sidoo kale saameynaysaa dadka, annagoo madaxda ka mid ah ayaa ku jira."

Geba-gabadii ka qaybgelayaasha ayaa ku baaqay in Dowladda Dhexe Kenya ay gacan weyn ka gaysatay, sidii loo wiiqi lahaa Shabaabka ku soo xoogeysanaya gobolada xadka.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya, iyadoona tani ay goboladaasi ka abuurtay xaalad amni.