Macawiisleyda oo bilaabay hawlgal weji cusub oo ka dhan ah Shabaabka Hirshabelle

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa kordhinaya hawlgalada ay ka fulinayaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ciidamadan ayaa haatan si firfircoon uga hawlgalaya deegaanada bariga ee Hirshabelle, iyaga oo meelaha qaarkoodna kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab, waxayna qaadayaan weeraro ay ku halgaadayaan maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisleyda ay iminka u hawlgalayaan, sida Shabaabka guur-guura oo kale ee marba weerarka ku dhufanaya deegaanadii ay ciidamadu xoreeyeen sanado ka hor.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda oo muddooyinkanba si wadajir ah uga hawlgalayay goboladaasi ayaa waxaa muuqata in qaabkii ay u hawlgalayaan wax laga bedelay, ka dib markii ciidamadu ay 16-kii bishii April lumiyeen gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, kana soo baxeen deegaanada Aboorey iyo Yasooman, inkastoo Xoogaga Macawiisleyda ay toddobaad ka hor bilaabeen hawlgal ay Shabaabka dib uga saarayaan Aboorey iyo Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde, iyadoo aanay la socon Ciidanka Xoogga Dalka. Militariga ayaa maalmo ka hor ku biiray hawlgalka ay Macawiisleyda uga saarayaan Shabaabka deegaanka Aboorey oo 30km dhinaca waqooyi uga beegan Buuloburde, walow ay laba cisho ka dib ay ku laabteen Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa la ogyahay in ay ciriiri geliyeen maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalameysa Aboorey iyo Yasooman, iyagoona mar sii horreysay jaray gurmadkii Shabaabka ee deegaanadaasi.

Xoogagan oo ku sugan waddada xiriirisa deegaanadaasi ayaa u qalab qaatay, sidii ay u soo afjari lahaayeen Shabaabka damacsan inay halkaasi sii joogaan, maadaama joogitaankoodaasi uu caqabad amni ku yahay bariga Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Militariga iyo Hoggaanka Macawiisleyda ayaa kuu sheegaya in xoogagaasi ay la wareegeen hoggaanka hawlgalada ay ciidamadu ka fulinayaan deegaanada dhaca bariga labada gobol ee Hirshabelle.

Ciidamada Militariga ayaa iska hormarinaya Macawiisleyda, walow ay dib ka xoojinayaan, haddii loo baahdo, sidii dhacdayba shalay galab oo kale. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku biiray weerar rogaalcelin ah oo Macawiisleyda ay dib ugu qabsadeen deegaanka Ceel-hareeri, markii dambena ay uga sii gudbeen aagagga deegaanada Mabaax iyo Tawakal oo saaran xuduudda goboladaasi.

Dhanka kale xoogag Macawiisley ah oo lagu abaabulay Magaalada Jowhar ayaa bilaabay in ay ka hawlgalaan deegaanada dhaca galbeedka magaaladaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Macawiisleydan oo ka soo jeeda galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe loogu talagalay in ay Shabaab ka riixaan deegaano ay ka mid yihiin Geed-cadlow, Gamboole, Makhuudaale, Carmooley iyo Cilaanley.

Al Shabaab oo dhawaan culeys soo saartay deegaanadii xorta ahaa ee gobolkaasi ayaa qabsatay deegaano qaar oo hoostaga Jowhar.

Macawiisleyda oo lugeynaysa ayaa goobaha qaarkood laga soo sheegaya in ay weeraro jidgal ah ugu sameynayaan Jabhadaha Shabaabka ee ku howlan in ay sii wadaan weerarada ay ku qalqalgelinayaan amniga dhulkii horey looga kiciyay.

Macawiisleyda ayuu qorshuhu yahay in ay joogteeyaan dhaqdhaqaaqooda daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana dhaca galbeedka Jowhar.

Taliska Militariga ayaa hawlgaladan cusub ku doonaya in lagu joojiyo weerarada is ballaarinta ee Shabaabka Hirshabelle, oo muddo laba bilood ah ay dhibaato ka haysatay, sidii ay u xakameyn lahaayeen weeraradaasi.

Xoogaga Macawiisleyda oo ah maleeshiyaad qabaa’il oo la abaabulay ayaa tan iyo wejigii koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka si toos ah uga barbar dagaalamayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Xoogagan ayaa waxtarkooda la arkay saddex sano ka hor, waxayna gacan weyn ka gaysteen guluf dagaal oo Shabaabka lagaga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Hirshabelle iyo Galmudug, inkastoo Shabaabku ay dib u qabsadeen degmooyinkii iyo deegaanadii qaar ee laga saaray.

Macawiisleyda ayaa wejigii koowaad ee hawlgalka la ogaaday in ay ku wanaagsan yihiin la dagaalanka Al Shabaab, waana sababta ay maanta u hubeynayso Dowladda Federaalka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gunno iyo mushaaraad siiya dhowr kun oo nin oo ka tirsan Macawiisleyda, kuwaas oo ay diiwaangelisay Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).