Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland oo sameysanaya gole cusub

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland & Jubbaland ayaa maanta ku heshiiyay in ay sameystaan gole cusub, kaas oo magaciisa uu noqon doono Golaha Mustaqbalka Somaliya.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Khamiistan ay Magaalada Nairobi ku kulmeen Madaxda Jubbaland & Puntland iyo xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, oo kala ah Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray baa warsaxaafadeedka lagu yiri sidii Somaliya ku gaari lahayd mustaqbal wanaagsan oo u horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 5 qodob oo u qornaa:-

1: In la dhiso Golaha Mustaqbalka Somaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubbaland iyo Puntland

2: In si dhakhsa ah shir la isugu yimaado gudaha Somaliya si looga arrinsado, go'aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka

3: In shirka soo socda lagu dhameystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Somaliya

4: Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasilloonida dalkooda, kana hortaggaan cid kasta oo dhaawaceysa wadajirkooda

5: Shirku wuxuu uga mahadcelinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto, sidii Somaliya u heli lahayd xasillooni iyo horumar.