Madax booqatay deegaan istiraatiiji ah oo Shabaab laga saaray
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaankaasi, oo muddo dheer ay ka arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamada oo hawlgal guri guri iyo miino baaris ka sameeyay deegaankaasi ayaa keentay in masuuliyiintu ay saacado ka dib gaaraan Ceelgaras.
Ceelgaras ayaa ku taala waddada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, waana deegaan ay dhowr iyo toban sano Shabaabku maamulayeen.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaybtood ay saldhig ka sameysanayaan deegaankaasi, qaybta kalena ay sii wadi doonaan hawlgalkooda ay isugu ballaarinayaan dhulka ku teedsan Magaalada Ceelbuur, kuna furayaan waddooyinka soo gala.
Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in Shabaab laga saarayo dhammaanba deegaanada & tuulooyinka hoostagga Ceelbuur iyo guud ahaanba Galmudug.
"Ma jirto meel la dhaafayo, si garbo siman ayay ciidamadu dhulka hawdka uga saarayaan, magaalooyinkana ay ku qabsanayaan." Ayuu yiri Wasiirku.




















