Madaxa ATMIS oo ka hadlay walaaca laga muujiyay qorshaha lagu dhimayo tirada askartooda
Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta ku dhawaaqay in hawlgalku uu soo geba-gabeeyay wejiga hore ee qorshaha ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee dalka, oo dalka lagaga saaray sida uu yiri 2,000 oo askari.
Tan iyo markii toddobaadkii hore ay Ciidanka ATMIS banneeyeen toddobo saldhig, kuna wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa soo kordhayay walaaca ay dadka qaarkii ka muujinayaan ka bixitaankooda dalka, xilli maleeshiyada Al Shabaab ay weeraradooda kordhiyeen, Ciidamada Qarankana aanay haysan qalab in ku filan.
Ciidanka ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari ayaa samayn doona dhimis kale bisha September ee sanadkan iyo bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka oo la samayn doono 31-ka bisha December ee 2024. Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kale waxay ka hortimid tallaabada dalka looga saarayo Militariga ATMIS.
Wakiilka Midowga Afrika ayaa dadka walaaca ka muujinaya howsha socota ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Ciidamada Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay ku kalsoon yihiin in ciidamadu ay awood u leeyihiin gudashada waajibaadkooda.
Waxa uu sheegay in Taliska ATMIS, Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka ay kormeer ku sameeyeen goobaha ay ciidamadu la wareegeen, isla-markaana aanay jirin wax walaac ah oo laga muujin karo qaabka ay amniga u sugayaan.
"Dadka arrintani walaaca ka muujinaya waxaan leenahay, waxaa na laga codsaday inaanu ka shaqayno hawl gaar ah oo la inoo dhiibay, waxaanu ognahay in Dowladda Somaliya iyana la siiyay howlo gaar ah. Midka koowaad oo ahaa inay abuuraan ciidan xoog leh, waxayna abuureen ciidamo ku filan, ciidamadaas ayaana awood u leh inay kala wareegaan ATMIS waajibaadka amniga, waxaanu sameynay dhowr kormeer oo ay sameeyeen ATMIS, Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka, waxaana ku kalsoonahay in ciidankaas ay awood u leeyihiin gudashada waajibaadkooda." Ayuu yiri Danjire Souef.
Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera arrimaha amniga iyo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kale waxay gacan ka gaystaan sugidda amniga goobo muhiim ah, sida Madaxtooyada Qaranka, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.
Khubarada amniga ayaa qaba in Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku filan yihiin amniga dalka, haddii Somaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran laba iyo soddonkii sano ee ugu dambeysay.
Ciidanka ATMIS oo horey loo oran jiray AMISOM ayaa howlo nabad ilaalineed dalka u jooga, tan iyo bishii March ee sanadkii 2007-dii.




