Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo la kulmay Saraakiil lagu tababarayo dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida, oo tababar uu uga socdo dalkaasi.

"Somaliya ciidankeeda ayaa hadda wuxuu marayaa meel dhismihiisii iyo qaban-qaabadiisii ay bilow tahay weli, howl waa la soo qabtay, laakiin in ciidan la dhisaayi laba, saddex, afar iyo shan sano kuma dhiso'e muddo dheer oo waqti dheer ayuu u baahan yahay, intaad idinku joogteen ayaa ka dhisaayi kartaan iyo markaad ciidamada ku biirtaan meesha aad ka bilaabeysaan iyo inta idiin dhiman oo jaran-jarada kor in loo sii raaco u baahan." Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hor hadlayay Saraakiishaasi.

"Waxaad tihiin abuurkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cir, Bad iyo Dhul." Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo intaa raaciyay "Fursadda hoggaan fiican oo ciidanka in la helana, waxay ku sii weyn tahay, marka Saraakiil badan oo la kala xusho la helayo. Saraakiil badan oo qaarkood tababaro dheeri ah loo sii diro, qaarka shaqadii sii hayo oo dhulka jooga markii la helayo ayay fiican tahay, laakiin marka waxa dhan ay kugu yar yihiin oo Taliye horin haddaad waxbarasho u dirto, horintii yaa sii haynayo ay su'aal adag oo ka jawaabi karin ay kugu noqoneyso, xoogaa waad dareemi kartaan duruufaha. "

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday hawlgalka daba-yaaqadii sanadkii hore ka bilowday dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay hawlgalkaasi ka gaareen guulo wax ku ool ah, iyaga oo aanay la socon Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, taasina ay ka barteen cashar ah in ciidamada iyo dadka deegaanka ay wiiqi karaan kooxaha argagixisada.

"Hadda ciidanku weli waa nagu yar yahay, laakiin tirada way soo kordheysaa. Ciidanka hadda Magaalada Muqdisho amnigeeda wax ka bedelay 90 maalmood ayaa lagu soo tababaray, ayagoo rayid ah ayaa la qaaday, 90 maalmood ka dib ayaa la soo celiyay, shaqada aad koley maqasheen oo wanaagsan ayay Magaalada Muqdisho ka qabteen, laakiin 90 maalmood Sarkaal fiican maku soo saari karnaa? Waad aragteen waxa aad mareysaan, waxa aad soo marteen iyo inta idiin dhimanba. Sidaasi darteed Sarkaalku howshiisu howl sahlan ma ahan." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dhibaatada ugu weyn ee maanta Somaliya haysataa ay tahay Saraakiisha oo ku yar.

"Maanta taxadiga Somaliya haystaa askari ma ahan ee waa Sarkaal, askartii waa la tababaray, laakiin Saraakiisha ayaa aad iyo aad noogu yar. Laba dhib-ba waxay naga haysataa Saraakiil ciidankii oo dhan hoggaamin karta, min koox illaa guuto iyo gaas la gaaro, waa nagu yar yihiin oo ma hayno, waxaa intaas dheer Saraakiishii nasiino iyo tababar dheeri ah ma aadi karaan. 8 illaa 9 bilood oo la soo dhaafay reerahoodii ma arag, umana tegin, fasax ma qaadanin, isbuuc Allaha ka dhigee." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saraakiishaasi xusuusiyay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqdaan hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay doorkeeda ku aaddan dib-u-dhiska Ciidamada Cirka, Dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.