Madaxweynaha Galmudug oo ku fara adeygaya gacan ku haynta Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa wajahaya culeys siyaasadeed iyo mid amni oo uga imanaya dhinaca Dowladda Federaalka, isagoona isku dayaya in maamulkiisu uu gacan bir ah ku qabto amniga Magaalada Dhuusamareeb, oo aysan magaaladaasi ka bixin gacanta maamulka.
Dhuusamareeb waa Xarunta Gobolka Galgaduud iyo weliba Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, waana magaalada uu Madaxweynuhu ku shaqeynayay lixdii sano ee u dambeysay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa Khamiistii laga dareemay magaalada, iyadoo saacado yar gudahood ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee Hoggaamiyaha Galmudug kala dhaxeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoorqoor oo muddo afar sano ah la shaqeynayay Dowladda Federaalka ayaa markan darafka kale ka soo jeestay, ka gadaal markii uu xaqiiqsaday in aanu Madaxweyne Xasan Sheekh ka taageeri doonin dib u doorashadiisa.
Khilaafka labada dhinac ayaad mooddaa in uu sii xoogeysanayo, marka aad eegto in ciidamo kala taabacsan dhinacyada ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb, xilli kastana ay ku wada dagaalami karaan magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo fara-badan oo taageersan Qoorqoor ay saacadihii dambe ee Khamiistii gaareen magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaasi ay isugu jiraan Daraawiishta Galmudug, oo ay qayb ka yihiin Xoogaga Gaarka ah ee Galeyr iyo weliba maleeshiyaad ku heyb ah Madaxweynaha.
Dadka reer Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in dareen gaar ahi uu ka jiro magaalada, isla-markaana uu walaacooda ugu weyn yahay inay xiisaddan kala qaybsanaan iyo dib u dhac ka abuurto gudaha Galmudug.
Dadka reer Galmudug oo billihii la soo dhaafay isku diiwaangelinayay doorashada qofka iyo codka ee lagu wado inay ka qabsoomto deegaanada Galmudug ayaa hadda arka khatar dagaal, oo wiiqi karta doorashada taariikhiga ay isku diyaarinayaan inay codeeyaan, haddii aan xal loo helin khilaafkan siyaasadeed ee soo kordhay.


