Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubno ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magaabay Laba Wasiir, Laba Wasiiru Dowle iyo Laba Wasiir Kuxigeen.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

Cabdulqaadir Shire Warsame, Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha

Cabdirisaaq Cali Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

Liibaan Cabdi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada

Cabdikariin Macalin Axmed, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka

Maxamed Maxamuud Cilmi, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare

Maxamuud Axmed Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka & Arrimaha Bulshada.