Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay xubno ka mida Culimada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.
Culimadan ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tegay arrimo la xiriira dacwadda diinta, gaar ahaan acmaasha bisha barakeysan ee Ramadan.
"Ujeedka imaanshaha culimada ee deegaanada Dowladda Galmudug ayaa ah faafinta diinta, fadliga bisha Ramadan iyo weyneynta Quraanka kariimka." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Diinta & Awqaafta Galmudug, Xasan Cabdulqaadir Xuseen.
Bisha Ramadan waa bisha ugu fadliga badan billaha Islaamka, waana bisha ay soomaan ummadda Muslimiinta, sidoo kale waa mid ka mida 5-ta tiir ee Islaamka.









