Madaxweynaha Hirshabelle oo abaabul ka wada Gobolka Shabellaha Dhexe
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Jimcihii gaaray deegaanka Guulane ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha Hirshabelle iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi u tegay abaabulka dadka deegaanka, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha oo fagaare kula hadlayay boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ayaa marka hore ku booriyay, sida ay ugu taagan yihiin la dagaalanka maleeshiyadaasi, iyadoo Guulane ay ka mid tahay deegaanada wejigii hore ee hawlgalka laga saaray Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa dadka reer Guulane ugu baaqay in ay u soo baxaan dagaal uu sheegay in lagu dhameystirayo cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa gobolkaasi ka wada abaabul xoog leh, oo la xiriira dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in hub iyo rasaasba uu u geeyay xoogaga deegaanka ee Guulane, waana xilli deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga bilaabay diiwaangelinta Macawiisleyda, si ay Dowladda Federaalka ugu bilowdo mushaar iyo gunno joogto ah.
Abaabulka iyo qorshaha socda ayaa ah, sidii Al Shabaab looga saari lahaa daanta galbeed ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo hadda ay maleeshiyadeeda kaga harsan yihiin gobolkaasi.
Qorshahan ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda dagaal ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu doonayo in lagu soo afjaro joogitaankii Shabaabka ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

















