Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray deegaanka lagu hareereeyay Shabaab

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta gaaray beeraha Ciid Ciidka ama Jimbilow, oo ku yaala inta u dhaxeyso deegaanka Cali Fooldheere iyo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee dhul beereedkaasi ku go'doomiyay maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa muddo 11 cisho ah ku go'doonsan nawaaxiga dhanka bari ee Webiga Shabelle, ka dib markii ay dhawaan ka soo gudbeen daanta galbeed ee webigaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa bogaadiyay doorka ciidamada iyo dadka deegaanka ee dadaalka badani ku bixinaya, sidii maleeshiyadaasi ay uga saari lahaayeen godadka ay ka qoteen beeraha Ciid Ciidka.

"Shabaab waan ka adkaanay, waana ka adkaanaynaa Ilaahay idinkiis, wixii dhiman waa la dhameystiraa, Shabaab-na rafashadii ugu dambeysay ayuu joogaa." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada u sheegay in wixii duruufo ah ee jira ay si hoose uga wada hadli doonaan, dagaalkana ay dhankooda ka dardargelin doonaan.

"Waan dareemi karaa xaaladda aad ku jirtaan, hoos ayaana uga ballamaynaa wixii duruufa ah ee deegaanka ee dagaalka looga baahan yahay ama duruufaha kale ee deegaanka ka jira." Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa uu intaasi ku daray "Nimanka meeshaan ku jiro waqti kooban ayaa Ilaahay idinkiis looga bixinaya, gurmadna waa soo socdaa, korna waa laga garacaa, hoosna waa laga gelayaa."

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxiin Ciise Caddow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku dhawaad muddo bil ah ku sugan furimaha hore, si culeyska loogu kordhiyo gulufka ballaaran ee Shabaab kaga furan Gobolada Dhexe.