Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Magaalada Beledweyne
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.
Madaxweynaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gobolka u yimaadeen arrimo dhowr ah, oo ay ugu horreyan xoojinta wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo fatahaadaha laga cabsida qabo in Webiga Shabelle uu ka gaysto Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa Gudoomiye Jeyte iyo dadka reer Hiiraan ku ammaanay abaabulkooda iyo dagaalka adag ee ay maleeshiyadaasi kaga sifeeyeen bariga gobolkaasi.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa xusay in ay dhameystiri doonaan hawlgalka ay tahay in Shabaabka looga saaro deegaanada ay kaga harsan galbeedka gobolkaasi.
"Runtii waxaan leeyahay dhabadka ka gamban mayno Gudoomiye, wixii dhimana waa la dhameystiraa." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Socdaalka Madaxweyne Guudlaawe ee Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, xilli maamulka gobolkaasi iyo Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ay isku khilaafeen cidda maamuleysa canshuuraha gobolka.














