Madaxweynaha Hirshabelle oo Gobolka Shabellaha Dhexe u tegay dardargelinta hawlgalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa barxadda Masaajid Cali Gaduud si fool ka fool ah ugu horfariistay bulshada deegaanka, oo uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, qorshaha xasillinta ee deegaanada la xoreeyay iyo sidii looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed. Masaajid Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaanada gobolka ee wejigii hore ee hawlgalka laga saaray maleeshiyadaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalamayaan Al Shabaab, gacantana kalena ay kaga shaqeynayaan horumarka deegaanka.
Cali Cabdullaahi Xuseen, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maleeshiyada Shabaabka kuwooda aan dadka dhibaateen ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, isaga oo ballanqaaday in la cafin doono, kuwa kale ee dhibka u gaystay shacabka ayuu sheegay in sharciga la marsiin doono.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa bulshada deegaanka kula dardaarmay in ay garab istaagaan maamulka, isla-markaana ay gacan ka gaystaan horumarka deegaanka iyo inay nabadgelyada ilaaliyaan.
Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa la sheegaya in ay wadaan dhaqdhaqaaq ay ugu diyaargaroobayaan hawlgal la doonayo in Shabaabka lagaga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin dhanka galbeed ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa la sheegay in loo diyaarinayo, sidii ay kooxaha argagixisada uga saari lahaayeen deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale), Gamboole iyo deegaanada kale ee ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee Webiga Shabelle.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa socdaalkiisan ku wehlinaya xubno ka tirsan Labada Gole ee Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.
















