Madaxweynaha Hirshabelle oo isbitaalka ku booqday dhaawacyadii Wargaadhi
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada askarta ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka ee ku dhaawacmay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamadan oo diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho ayaa la seexiyay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee Degmada Hodan, halkaas oo xaaladdooda lagu la tacaalayo. Waxa kaloo jira askar kale oo ka tirsan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo iyana dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Xoogga oo ku yaala isla degmadaasi.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Agaasimaha Isbitaalka Erdogan, Maxamed Xuseen Ashraf ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladda caafimaadeed ee askarta ka tirsan Macawiisleyda.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday inay wax kasta u huri doonaan badbaadada Macawiisleyda ka qayb qaadaneysa la dagaalanka Al Shabaab, isagoo sheegay in kuwooda aan dalka waxba looga qaban karin ay u qaadi doonaan dibadda.
“Wax walba oo badbaadadooda ah ayaan u huraynaa dadka deegaanka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta. Dhawaacyada aan dalka wax looga qaban karin dalka dibaddiisa ayaan u qaadaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inaysan marnaba ka niyad jebi doonin inay la dagaalamaan Al Shabaab.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Wargaadhi oo 70km u jirta Degmada Cadale. Maleeshiyada oo bilowgiiba gudaha u soo gashay deegaanka ayaase ku guul darreysatay inay sii haystaan, ka dib weerar rogaalcelin ah oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay ku soo qaadeen.
Ciidamada oo xagga cirka ay ka taageerayeen diyaaradaha dagaalka ayaa maleeshiyada si degdeg ah uga saaray deegaankaasi, iyagoona ku khasbay in ay cagaha wax ka dayaan.
Shabaabka ayaa intii ay dib u guranayeen, kuna wajahnaayeen deegaanka Towfiiq oo weerarka ay ka soo qaadeen la kulmay gantaal ay la heshay diyaarad dagaal, halkaasna uu khasaare xoog leh ka soo gaaray.
Shabaabka ayaa maanta khasaarihii ugu weynaa kala kulmay jiidaha dagaalka, tan iyo intii ay muddooyinkanba weerarada ka wadeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe.