Madaxweynaha Hirshabelle oo mucaaradad kala kulmay xil ka qaadistii Gudoomiye Jeyte

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa mucaaradad xoog leh kala kulmay siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanka, ka dib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa goor dambe oo xalay ahayd Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa si weyn uga horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiye Jeyte.

Xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdimaalik Ibraahim Cabdalla oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Hirshabelle ku eedeeyay in uu ku fashilmay siyaasadda maamulka.

"Waxaan ognahay in maamulka keliya ay isbaarooyinka yaallaan uu yahay Hirshabelle, Dowlad Goboleedyadii la midka ahaa hay'adahoodii dowladeed ayay dhisteen, doorasho qof iyo cod ah ayay u socdaan, annagana waxaan maraynaa 2023 isbaaro." Ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Ibraahim Cabdalla.

Waxa kaloo uu yiri "Horta Hirshabelle magac ahaan ayay u jirtay ee uma jirin maamul shaqeynaya, annagana waan u dulqaadaneynay, waxaan is lahayn Ilaahay ayaa awood badan, armay waxaan shaqeeyaan."

Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha ku dhaliilay inuu ku mashquulsan yahay magacaabis aan dhammaad laheyd, xilli dadka reer Hirshabelle ay u jiheysteen inay iska dulqaadaan maleeshiyada Al Shabaab.

"Waan uga dignay, waxaan isku daynay inaan u caqli celino, una sheegno inaysan xilligan munaasib ahayn magacaabisyadaan la sameynayo. Maanta maradii ayaa ka dhacday, gacanteeda ayayna isku toogatay Hirshabelle." Ayuu yiri Xildhibaanku.

Hadalkiisa ayuu ku xoojiyay "Maanta laga bilaabo waxaan idin caddeynaya dadka aniga aan ku metelo Baarlamaanka Federaalka in wax Hirshabelle la dhaho aysan aqoonsanayn, meel ay horey uga shaqeyneysayna ayba jirin."

Dhanka kale goor sii horreysay dad fara-badan ayaa Magaalada Beledweyne ka dhigay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xil ka qaadistaasi, sababtuna tahay in Gudoomiye Jeyte uu ahaa ninka horkacayay hawlgalada dib-u-xoreynta gobolka, taas oo taageere xoog leh uu kaga kasbaday shacabka Soomaaliyeed.

Jeyte ayaa lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka, oo ciidamada iyo dadka deegaanka oo wada socda ay muddo kooban kula wareegeen dhulkii ballaarnaa ee ay Shabaabka kaga sugnaayeen bariga Gobolka Hiiraan, haatana uu Jeyte diyaarinayay qorshihii xigay ee lagu qaban lahaa daanta galbeed ee gobolkaasi.