Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo xilka loo dhaariyay

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa doorashada kula tartamayay Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan iyo Cabdi Xasan Xajiin, inkastoo Xajiin uu bilowgiiba ka tanaasulay tartanka doorashadaasi.

Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa waxaa codadka ugu badan ku guuleystay Musharax Madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo xilka loo doortay shanta sano ee soo socota.

Doorashadan oo ahayd mid ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayuu Axmed Madoobe helay 55 cod, iyadoo Faysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, halka Abubakar Cabdi Xasan uu isna helay 4 cod.

Dhammaanba 75-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka qayb qaatay doorashada, waxaana natiijadeeda ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Intaasi ka dib, Axmed Madoobe ayaa markii saddexaad loo dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana goobta ku dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland, Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid.

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Doorashadan ayaa imaneysa, iyadoo uu si weyn u xumaaday xiriirkii Villa Somalia iyo Madaxtooyada Jubbaland.