Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer ku maray qaybo ka mid ah Kismaayo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta socod ku dhex maray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa la arkayay, isagoo dhex lugeynaya qaybo ka mid ah Kismaayo, tani oo Madaxtooyada Jubbaland ay ku sheegtay mid uu ugu kuurgelayay xaaladda guud ee magaalada.
"Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku maray qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee magaalada." Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Madaxtooyada.
Madaxweynaha oo ay la socdeen ilaalo xadidan ayaa dhex galay shacabka, kuwaas oo qaarkood uu ku booqday goobaha ganacsiga ee magaaladaasi.
"Madaxweynaha ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin kala duwan, wuxuuna ku bogaadiyay shacabka doorka ay ka qaadanayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Jubbaland." Ayaa lagu sheegay warka.
Waxay u muuqataa farriin uu ku muujinayo horumarka iyo is bedelka amni ee la taaban karo ee uu maamulkiisu ka sameeyay Xarunta KMG Jubbaland ee Kismaayo.
Kismaayo ayaa sanadihii u dambeeyay ka mid ahayd magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee Gobolada Koonfureed.















