Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray jiidda hore
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tegay deegaanadii ugu dambeeyay ee dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidamada ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo ciidamada kula hadlay jiidda hore ee Janaay Cabdalle ayaa bogaadiyay dagaalka ay kala horjeedaan maleeshiyada Shabaabka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka ku dhaqan deegaanada Janaay Cabdalle, Aw Qumbaale, Ceelcad, Canjeel iyo Harboole ay heleen amni iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee weli Shabaabka maamulaan la gaarsiiyo maamulka dowladnimada.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa ciidamada faray in ay isu diyaariyaan hawlgalo, oo sida uu sheegay la isugu furayo wadooyinka, laguna qabanayo deegaanada kale ee Gobolka Jubbada Hoose, sida Degmada Xagar.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inaanay ku hakan difaacyadooda, isla-markaana ay hawlgalada sii wadaan, tani oo yareyn karta khasaaraha ka soo gaaraya dagaalka, bedelkii ay sugi lahaayeen in xeryahooda lagu soo weeraro.
Kormeerkiisan ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka ay waddo qorshe wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka lagaga sameynayo deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.













