Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in mar kale la soo doorto
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa in Isniintan dib loogu soo doorto Xafiiska Madaxtooyada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa la filayaa in markii saddexaad ay xilka u doortaan Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka kula tartamaya musharaxiinta kala ah Faysal Maxamed Mataan, Cabdi Xasan Xajiin iyo Abubakar Cabdi Xasan.
Ifafaalaha ayaa muujinaa in Axmed Madoobe uu soo noqon doono, marka aad eegto ragga ku wehlinaya tartanka.
Siyaasiyiinta Jubbaland qaarkood ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay in uu joojiyo doorashada uu maamulkiisu ka wado Magaalada Kismaayo, dibna uu ugu soo laabto miiska wada hadalka iyo Madasha Wadatashiga Qaran.
Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo khilaafkoodu uu gaaray meeshii ugu sarreysay ayaa waxaan qorshaha ugu jirin inay aqoonsato natiijada doorashadaasi.
Haddii aysan wax mucjiso ahi dhicin amaba aanay doorashadu baaqan, Axmed Madoobe waxa uu siin ahaan doonnaa Madaxweynihii keliya ee ay Jubbaland yeelato, muddadii ay jirtay.
Axmed Madoobe ayaa in ka badan 10 sano soo maamulayay Dowlad Goboleedka Jubbaland.