Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee dalka
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Richard H. Riley iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaladaasi.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxay sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Somaliya.
"Intii uu socday kulanka oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Somaliya." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Kulanka ayaa imanaya, xilli Jubbaland ay diyaargarow ugu jirto, sidii ay u martigelin lahayd shir ay bishan December Kismaayo ku yeelanayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Dhinacyada ayaa shirkan kaga arrinsanaya, sidii doorashada madaxtinimada dalka loogu qaban lahaa waqtigeeda, isla-markaana ay u noqon lahayd mid heshiis lagu yahay oo loo dhan yahay.
Khilaaf weyn ayaa ka taagan nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadka soo socda, iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin qaabka ay Villa Somalia u maamuleyso doorashada 2026.
















