Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sameeyay  magacaabis iyo isku shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magacaabay 11 Wasiir, 3 Wasiir Kuxigeen iyo 1 Wasiiru Dowle, iyadoona magacaabistan ay saameysay qaar ka mid ah Xubnaha Golihiisa Wasiirada.

Xubnaha ay magacaabistani saameysay, isla-markaana xilkooda ku waayay ayaa waxaa ugu muhiimsan Wasiirkii Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi.

Xubnaha la magacaabay waxay kala yihiin:-

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Garsoorka

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Amniga

Nasra Aweys Sheekh Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka

Mustaf Axmed Iidow, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare

Isaaq Cali Subag, Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka

Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye), Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda

Maxamed Isaaq Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Batroolka

Saciid Axmed Cali Cumar, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka 

Cabdifitaax Maxamed Cali (Abaroone), Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Khayraadka Badda

Eng. Diini Cabdinuur Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Bay'adda & Is bedelka Cimilada

Nuur Siidow Baabaa, Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Maxamed Xuseen Xasan Cadaawe, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka 

Maxamed Qays Xasan Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha

Cumar Daa'uud Khaliif, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Macdanta & Batroolka.