Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Odayaasha Gobolka Bakool kala hadlay gulufka ku wajahan Shabaab

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo booqasho ku jooga Magaalada Xudur ayaa xalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wejiga 2aad ee gulufka la qorsheeyay in dhawaan ay ciidamadu ka bilaabaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa odayaasha u sheegay in la joogo waqtigii maleeshiyada Al Shabaab laga suulin lahaa deegaanada Koonfur Galbeed, isagoona weydiistay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu xoreynayo dhulka ay haatan Shabaabka ka joogaan gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu odayaasha u sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay toddobaadyada soo socda si wadajir ah uga hawlgali doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamo ka socda dalalka deriska, oo hadafku yahay in lagu xoreeyo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Hawlgalka la filayo in ciidamadu ka bilaabaan Gobolka Bakool ayaa la damacsan yahay in ay ku xoreeyaan Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure, oo ah labada degmo ee ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.

Hawlgalkan ayay sidoo kale tahay in ciidamadu ay isugu furaan waddooyinka deegaanada gobolka, ee ay kol hore Shabaabku go'doomiyeen.

Wejiga 2aad ee hawlgalka laga sameynayo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaamin doona General Maxamed Cali Bariise oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.