Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno, oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay xero ciidan oo ku taala Magaalada Baydhabo.

Saraakiishan oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa tababarka siinayay Saraakiisha Militariga Itoobiya, ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada Itoobiya ayuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed shahaadooyin ku guddoonsiiyay 10 ka mid ah Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada tababarka loo soo xiray, oo gaaraya 52 nin.

Madaxweyne Laftagareen oo munaasabadaasi ka hadlayay ayaa yiri "Waa urur ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, gaar ahaan Ilaaladii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ah, haddana Ciidankii Daraawiishta Koonfur Galbeed urur ka mid ah oo tababarkii loo xiray, waxaana leeyahay hambalyo."

Laftagareen ayaa yiri "Waxaa Ilaahay nasiibkiina ka dhigay intiina ciidankii aad ka midka ahaydeen in la idinka soo bixiyo oo Saraakiil noqotaan, oo hoggaamisaan ciidankii aad tababarka iska la baxdeen. Nasiibkiinee noqotay, kartidiinee noqotay, kartidii iyo nasiibkii aad u hesheen in aad ku hoggaamisaan, waa la idinkaga baahan yahay."

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Koonfur Galbeed ay diyaargarow ugu jirto wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.