Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka iska casilay

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa is casilaaddiisa ku shaaciyay qoraal uu caawa fiidkii soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook, ka dib markii maanta ciidamadiisa laga la wareegay Magaalada Baydhabo. Baydhabo ayaa ahayd Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.
"Laga bilaabo maanta oo ay taarikkhdu tahay 30 March 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS, anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Sabtidii dib loogu doortay xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, ka dib markii maamulkiisu uu Doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamaanka uu ku qabtay Baydhabo.
Doorashadan oo ahayd mid dadban ayaa waxaa si weyn uga hortimid Dowladda Federaalka, oo sanadihii u dambeeyay ka shaqeynaysay, sidii ay dalka ku gaarsiin lahayd doorasho toos ah oo dadweyne.
Laftagareen ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee maanta uu diyaarad ka raacay Garoonka Shaati-gaduud ee Baydhabo, isla-markaana uu ku sii jeedo Magaalada Nairobi.
Laftagareen ayaa u muuqdo in ay is macsalaameeyeen Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ka dib in ka badan toddobo sano oo uu ka arriminayay.


