Madaxweynaha oo Muqdisho ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, marka laga soo taggo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), waana shirkii 4aad oo xiriir ah oo Deni uu ka maqan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa'uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ay yihiin dardargelinta la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka.

"Laba ajande ayaa ugu waaweyn shirka ay madaxdu leeyihiin. Ajandaha 1aad waa amniga ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo sida la ogyahay ay jiraan hawlgalo badan oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ay guulo dhinacyo badan ay ka soo hoyeen ayaa haddana waxaa loo fadhiyaa in la dardargeliyo hawlgaladaasi, maadaama ay muhiim u yihiin dowlad dhiska Somaliya iyo in nabad Somaliya lagu soo islaaxiyo. Qodobka kale ee muhiimka ah ee shirkaasi looga doodi doono, waxa uu noqon doonnaa dhameystirka dastuurka, oo iyana ah qodob kale oo masiiri u ah Dowladnimada Somaliya iyo dhismaheeda." Ayuu yiri Wasiirka oo VOA la hadlay.

Shirkan ayuu qorshuhu ahaa in la qabto 20-21-kii bishii April, inkastoo uu u baaqday arrimo farsamo awgood, sida uu horaan sheegay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah shir ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana shir inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Shirkan oo labadii biloodba mar la qaban jiray ayaan qabsoomin, wixii ka dambeeyay bishii August ee sanadkii hore, waxaana xigay kan maanta ka furmay Caasimadda Muqdisho.