Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug, qaybta Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulanka la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka hawlgala gobolkaasi, iyadoo ay kulanka ka qaybgaleen Taliyeyaasha Ciidamada.

"Kulanka waxaa ka qaybgalay Saraakiisha Ciidamada kala duwan oo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, General Muumin Cabdi Shire iyo  Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland." Ayaa lagu yiri war xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Warka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-wareystay xaaladaha amni iyo dadaalada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida." Ayaa lagu yiri warka.

Madaxweyne Deni ayaa warka lagu sheegay inuu Saraakiisha Ciidamada kula dardaarmay adkaynta amniga Puntland, isla-markaana ay xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi oo Puntland ay maamusho.

Safarka Deni ee Gaalkacyo ayaa imanaya maalmo ka dib, markii Ciidamada Puntland ay Arbacadii dagaal kula wareegeen xerada ay Ciidanka PSF ku lahaayeen bariga magaaladaasi.