Madaxweynaha Somaliland oo bogaadiyay magacaabidda Cabdikariin Xuseen Guuleed

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran u soo dhaweeyay tallaabada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu noqdo Ergayga Arrimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed u igmaday in uu ka shaqeeyo wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay munaasabad lagu abaalmarinayay arday ku guuleysatay kaalmaha hore ee tartan Quraanka Kariimka ah ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ergayga loo magacaabay wada hadalada labada dhinac.

"Arrintaa waxaan u aragnaa tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday." Ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Guuleed ku tilmaamay nin aqoon badan u leh siyaasadda, isla-markaana ay magacaabiddiisa soo dhaweynayaan.

"Ninkaa loo magacaabay wada hadalada oo aqoon badan u leh siyaasadda, waanu soo dhaweynaynaa, si loo sii wado wada hadalada Somaliya iyo Somaliland." Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Somaliland ayaa laba iyo soddon sano ka hor ku dhawaaqday in ay gooni isu taageeda dib uga la soo laabatay Somaliya.