Madaxweynaha Somaliya oo booqasho uga bilaabatay dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii caawa gaaray Magaalada Doha, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho muddo laba maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa martiqaad ka helay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, sida ay sheegtay Villa Somalia.

"Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka dalka Qatar, Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhameystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Somaliya iyo Qatar." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Warka ayaa lagu sheegay "Sidoo kale labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada, iyadoo madaxda iyo diblomaasiyiinta ku wehlinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is afgarad ku qotoma danaha dalkeenna."

Waa booqashadii saddexaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taggo dalkaasi, tan iyo dib u doorashadiisii, oo muddo sanad ah laga joogo. 

Safarkan kii ka horreyay ayuu Madaxweynuhu dalkaasi ku tegay 4-tii bishii March, isaga oo xilligaasi kaga qaybgalay shir ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey, loogana hadlayay dalalka soo koraya.