Madaxweynaha Somaliya oo ku Cumreystay Masjidka Xaramka ee Maka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ka qaybgalay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Magaalada Jeddah ayaa ku Cumreystay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Maka. 

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada.

"Madaxweynaha ayaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad, horumar iyo xasillooni waarta, isagoo fadliga Cumrada awgeed Alle ka baryay in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Masjidka Xaramka waa kan koowaad ee ugu mudan Muslimiinta, waxaana uu ku yaallaa bartamaha Magaalada Maka, waana Masjidka Al Xaram oo qiblad ahaan ay Muslimiintu u jeedsato, marka ay Salaadaha oogayaan.