Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Hoggaanka Dhaqanka Hirshabelle
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Jowhar ayaa Jimcihii la kulmay Hoggaanka Dhaqanka Hirshabelle.
Madaxweynaha Somaliya ayaa Odayaasha Dhaqanka Hirshabelle kala hadlay, sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay oo laga qabto deegaanadaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.
"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha Dhaqanka deegaaanada Hirshabelle kala hadlay, sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgelinta doorashooyinka loo dhan yahay ee dhawaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi-socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada." Ayaa lagu yiri warka.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Magaalada Jowhar kula qaadanayo qaybaha bulshada iyo hay'adaha ammaanka.







