Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Raysal Wasaaraha Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, iyadoo uu kulankan horudhac u yahay shirka saddex geesoodka ee dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga ku leeyihiin magaaladaasi.

"Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raysal Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wejiga koowaad ee hawlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo hawlgal wadajir ah, oo ay ka qayb qaadanayaan dalalka safka hore ee deriska la ah Somaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u gaysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika.

Dhankeeda, Raysal Wasaaraha dalka Talyaaniga, Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasillinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreyaan Somaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah."