Madaxweynaha Turkiga oo Istanbul ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay Magaalada Istanbul ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo Jimcihii ay booqasho uga bilaabatay dalkaasi.

Madaxweyne Zelenskyy oo booqasho ku maraya dalalka Qaaradda Yurub ee xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO ayaa dadaal ugu jira, sidii dalkiisu uu xubin uga noqon lahaa xulafada.

Madaxweynaha Turkiga ayaa subaxnimadii hore ee Sabtidan sheegay in Ankara ay taageersan tahay in Ukraine ay ku biirto NATO, isagoo sheegay in dalka ay dagaaladu aafeeyeen uu u qalmo xubinimada isbahaysiga.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa'id oo si wadajira ay u qabteen dhiggiisa Ukraine ayaa yiri "Ukraine way u qalantaa inay ka mid noqoto isbahaysiga militariga ee NATO."

"Shaki kuma jiro in Ukraine ay u qalanto xubinimada NATO." Ayuu sii raaciyay Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Zelenskyy ayuu qorshihiisu yahay in dowladdiisu loo ogolaado inay si buuxdo uga mid noqoto bahwadaagta NATO, marka uu dhammaado dagaalkan ay Ruushka kula jiraan, si Ukraine ay u hesho damaanad amni.

Hogaamiyeyaasha NATO ayaa lagu wadaa in shir laba maalmood soconaya uu Talaadada uga furmo Magaalada Vilnius ee dalkaasi Lithuania.

Hogaamiyeyaasha NATO ayaa la filayaa inay Kyiv u xaqiijiyaan in maalin uun ay ku soo biiri doonto isbahaysigooda.

Booqashadan Zelenskyy ee Turkiga ayaa noqonayso tii ugu horreysay ee dalkaasi uu ku taggo, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.