Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada askartii looga dilay weerarkii Buulo Mareer

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa ka hadlay tirada askarta Uganda ee lagu dilay weerarkii 26-kii bishii May, ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen xerada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Militariga Uganda ayaa qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, oo Dowladda Federaalka ka taageera arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweynaha Uganda ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii sheegay in weerarka ka dhacay Koonfurta Somaliya looga dilay 54 askari.

Madaxweynaha ayaa ciidamadiisa ku ammaanay inay dib isu abaabuleen, isla-markaana ay dhowr cisho ka dib ku laabteen xeradoodii Buulo Mareer.

"Ciidamadeenna waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, waxayna ku laabteen xeradooda, ka dib markii ay dib isu abaabuleen. Tani ayaa keentay inay dib u qabsadaan xeradooda maalintii Talaadada." Ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Museveni oo toddobaadkii hore ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka soo gaaray Militariga Uganda, inkastoo aanu xilligaasi wax faah faahin ah ka bixin tirada askarta looga dilay weerarka ay masuuliyaddiisu sheegatay Al Shabaab.

Shabaabka oo mar sii horreysay sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 137 askari oo u dhashay dalka Uganda ayaa dib ka sheegay in tirada dhimashada ay gaartay in ka badan 200 oo askari.

Weerarkan oo ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa daba socday dagaal-yahano lugeynaya oo dhowr jiho weerar culus kaga ekeeyay xeradaasi. Maleeshiyada Al Shabaab ayayna u suurtagashay inay gudaha u galaan xeradaasi, iyagoona dhowr cisho ku sugnaa Buulo Mareer.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ayaa Talaadadii dib ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi.