Madaxweynaha Ukraine oo is bedel ballaaran ku sameynaya dowladdiisa, xilligan xasaasiga ah
Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu wadaa in is bedel ballaaran uu ku sameeyo dowladdiisa, ka dib markii ay is casileen 7 Wasiir iyo Saraakiil sarsare, iyadoona shaqada laga eryay Kaaliyihii Madaxtooyada, Rostyslav Shurma.
Wasiirada shaqada ka tagey waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Dmytro Kuleba oo xiriir dhow la lahaa Madaxweyne Volodymyr Zelensky iyo weliba Wasiirkii Warshadaha Istiraatiijiga, Oleksandr Kamyshin oo masuul ka ahaa wax soosaarka hubka.
Xubnaha kale ee shaqada ka tagey waxaa laga xusi karaa Raysal Wasaare Kuxigeenkii Ukraine, Olha Stefanishyna, Wasiiradii Caddaaladda, Deegaanka & Dib-u-soo-celinta iyo Madaxii Sanduuqa Hantida ee Dowladda Ukraine, Vitaliy Koval.
Wararka ayaa sheegaya in is casilaadooda ay ka dambeysay, ka dib markii Talaadadii iyo Arbacadii loo soo bandhigay inay xafiiska banneeyaan.
Hoggaamiyaha Baarlamaanka ee Xisbiga Talada Haya (Servant of People), David Arakhamia ayaa sheegay in kala bar Golaha Wasiirada ay saamayn doonto isku shaandheynta uu toddobaadkan sameynayo Madaxweyne Zelensky.
Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaabeyn lagu sameeyo hay'adaha dowladda, si ay Ukraine u gaarto buu yiri dhammaan natiijooyinka aan u baahanahay.
Madaxweynaha ayaa Arbacadii sheegay in Ukraine ay u baahan tahay tamar cusub, taasna waxaa ku jira sida uu yiri diblomaasiyadda.
Inkastoo muddo xileedka Madaxweyne Zelensky uu ku ekaa 20-kii bishii May, haddana wuxuu qodob dastuuti ah u haystaa in uu sii xukumi karo dalka, iyadoo dib loo dhigayo doorashooyinka dalka, si dalka looga samatabixiyo xaaladda dagaal ee uu ku jiro.
Zelensky ayaa dib u dhigay doorashooyinka dalka, maadaama xilligan aysan suurtagal ahayn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.
Xog uruurin la sameeyay xagaagan ayaa muujineysa in shacabka Ukraine ay qabaan in waqtigan aanay ku habbooneyn codbixin cusub.
Is bedelkan ayaa imanaya, iyadoo ay Ukraine ku jirto xilli xasaasi ah, ka dib markii Ruushku uu ballaariyay weeraradiisa dalkaasi.