Madaxweyne Deni oo qaadacay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta ka horyimid heshiiskii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, ee ay Sabtidii ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo qura, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira, ee ah Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaanay Puntland qayb ka ahayn heshiiskaasi, wax ka khuseeyana uusan jirin.

"Waxaan rabaa inaan halkan ka sheego Puntland qayb kama ahayn heshiiskaasi, waxa ka soo baxayna ma khuseyso, sababtana waxa weeye markii hore kuwa aan ka baaqsanay iyo kuwii aan saxiixi weynayba, waxaan u jeednay in dalka meel khaldan loo wado, oo aasaaskii iyo heshiiskii bulsho ee dowladda hadda jirta lagu dhisay la rabo in la baalmaro oo meel kale loo socdo." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri "Dabcan dalkan waa dal jilicsan, waa dal la rabo in lagu dhiso sharci adag oo lagu wada kalsoon yahay. Mowqifka Puntland horaan u caddeynay, dastuurka ayayna ku dhigan tahay, waxa aan dooneyno waxa weeye waa dal Soomaaliyeed oo wadajira, heshiis ah, dimoqraadi ah oo federaal ku saleysan."

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto, illaa iyo inta laga helayo wax heshiis lagu yahay.

"Awoodaha qaanuuniga ah ee hadda Dowladda Dhexe ay leedahayna, runtii waddadii way ka leexatay, Puntland-na way caddeysay mowqifkeeda ah, iyadoo raaceyso dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalkaba inay si gaar ah u dhaqmeyso, inta laga helayo miyir-qab iyo wax heshiis lagu yahay." Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaan ka qaybgelin shirkii 27-kii bishan ee Golaha Wadatashiga Qaran ugu soo geba-gaboobay Caasimadda Muqdisho, waxaa kaloo xusid mudan in aanu ka qaybgelin shirkii ka horreyay ee bartamihii bishii March ka qabsoomay Magaalada Baydhabo.