Madaxweyne Erdogan: Xalka Falastiin iyo Israel waa in la helo laba dowladood oo deris ah
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono doorkiisa diblomaasiyadeed ee dadaalada xalka nabadeed loogu raadinayo colaadda labada dhinac
Madaxweynaha Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay in xalka dhinacyada uu ku xiran yahay in la helo laba dowladood oo deris ah.
"Turkiga waxaa ka go'an inuu xoojiyo dadaalada diblomaasiydeed ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa yiri "Xalka laba dowladood waa waddada qura ee lagu heli karo amniga iyo xasilloonida gobolka."
Labada dhinac ayuu ugu baaqay in ay is xakameeyaan, isla-markaana aysan kaga sii darin xaaladda, isagoo intaasi ku daray in colaadda dhinacyadaasi ay asal u tahay dhammaanba dhibaatooyinka ka aloosan Bariga Dhexe.
"Illaa iyo inta si caddaalad ahi looga xalinayo dhibaatadan, gobolkeennu wuxuu ahaan doonnaa mid ay nabaddu ka fog tahay." Ayuu yir Madaxweyne Erdoğan oo ka hadlayay Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.
Madaxweyne Erdoğan ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Nabad waarta oo Bariga Dhexe ah waxay ku xiran tahay oo keliya in la helo xal kama dambeys ah, oo laga gaaro arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel. Ilaalinta aragtida xalka labada waddan waa mid aad muhiim u ah."
Erdoğan ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo, sidii loo soo dedejin lahaa caddaaladda uu sheegay inay ka soo daahday gobolka, si xal loogu helo dhiigga daadanaya ee labada shacab.


