Madaxweyne Firdhiye oo la hadlay ciidamada ka yimid Garoowe
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa galabta Magaalada Laascaanood kula kulmay ciidamada uu hoggaaminayo General Jimcaale Jaamac Takar ee maanta gaaray magaaladaasi.
Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa ciidamadan ku sheegtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga guud iyo soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado in ay gaaraan Laascaanood.
"Ragga halkan fadhiya waa la garanayaa, buurahaan iyo iyaguna way is yaqaanaan." Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Ciidamada General Jimcaale Jaamac Takar ku amaanay in ay hormuud ka ahaayeen dagaaladii magaalada lagaga saaray Ciidamada Somaliland.
"Waa raggii lahaa mujaahidiintii ugu horreysay ee u daatay dhufeysyadii cadowga. Waa raggii lahaa Taliye Aarsade, Cabdi Mudalib iyo in kaloo fara-badan." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Firdhiye ayaa ciidamada faray in ay u dhaqaaqaan jiidaha Gobolka Sool, gaar ahaan sida uu yiri Guumeys iyo nawaaxigeeda. Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan iyagu cidina duulaan ku ahayn, balse waxa uu ciidamada amray inay tallaabo ka qaadaan, wixii xadgudub nabadgelyo darro ah sameeya.
"Haddeer halkan waxaad u fadhisaan inaad waajibkiinii sii gudataan. Waxaad u wareegeysaan jiidaha Gobolka Sool, qaasatan Guumeys iyo nawaaxigeeda. Cidna duulaan kuma nihin, waxaad u taagan tihiin inaad nabadgelyada sugtaan, wixii xadgudub nabadgelyo darro ah sameeyana inaad tallaabo ka qaaddaan." Ayuu yiri Firdhiye.
Firdhiye ayaa intaasi ku daray "Sidaas ayay u taagan yihiin dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka ee aad ka tirsan tihiin iyo kuwa Waqooyi Bari, intuba. Mar kale ku soo dhawaada deegaanada aad sifeyseen oo nabadgelyo ah. Ku soo dhawaada guryihiinii iyo dadkiinii idiin jeclaa."




