Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Dowadda Hirshabelle, markuu arkay Qodobka 51aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabelle.

Markuu arkay: Soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka uu ku soo jeediyay in la magacaabo Gudoomiyaha Makamadda Sare ee Dowladda Hirshabelle.

Madaxweynaha waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabelle."