Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo abaabul ka wada Moqokori

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maalintii saddexaad ku sugan deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka wada abaabul iyo diyaargarow ciidan.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa abaabulaya xoogaga difaaca shacabka ee la doonayo in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa maanta la kulmay Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Moqokori, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

"Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, baaahiyaha horumarineed ee ka jira deegaanka, mashaariicda la filayo iyo sidii loo xoojin lahaa dardargelinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa dhinacyadaasi u sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa maleeshiyada Shabaabka, oo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Labada gobol ee Hirshabelle ayaa looga diyaargaroobaya guluf ballaaran, oo ay tahay in Shabaabka lagaga saaro daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Yuusuf Dabageed ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax.